Qudus Online Logo
Luqadda / Lang
Isdiiwaangali
Bogga Hore Duruusta Barashada Higaada
Koorso Online ah (1-on-1)

Barashada Higaada Carabiga (Far Akhriska)

Higaadu waa bar bilawga ama waxa ugu horeeya ee la baro arday-kasta oo raba in uu Quraanka si fiican u akhristo.

Isdiiwaangeli Maanta
800+
Arday ku qanacsan
oo dhamaystay

Ujeedada Koorsada

Buuga higaada ama manhajka aanu dhignaa waxa uu ardayga ka dhigayaa Arday si sax ah ugu dhawaaqa xuruufta carabiga, iskuna xidhi kara xuruufta iyo kalmadaha carabiga. Marka ardaygu uu dhameeyo higaada waxa uu noqonaya mid akhrisan kara quraanka kaligii si fudud oo sahlan.

Manhajka

HABRAACA CASHARADA HIGAADA

Macallimiinta dugsigu waxa ay juhdi badan galinayaan ardayga inuu akhriskiisu noqdo mid sax ah intaanu Qur'aanka bilaabin.

1

Barashada Xuruufta

Qoraalkooda, Dhawaaqooda hab maqal iyo muuqal ah.

2

Isku Darka Xuruufta

Sida layskugu xidho ee layskugu akhriyo.

3

Xarakooyinka

Sida (Fatha, Kasra iyo Dammah) qoraalkooda iyo dhawaaqooda.

4

Sukuunta iyo Shaddah

Fahanka iyo akhrinta shaddada iyo sukuunta si sax ah.

5

Madka

Akhrinta iyo fahanka madka, xuruuftiisa iyo dhawaaqiisa.

+

Heerarka Sare

Qaybta 6: Casharo muhima oo soo raaca higaada bilawga ah.

Qaybta 7: Xeerarka aasaasiga ah ee tajwiidka.

Diyaar ma u tahay inaad akhriska Quraanka barato?

Ku biir boqolaal arday oo si fudud ugu bartay higaada Qudus Online.

BILAW MAANTA