0000 About us | Somali Quran online | Qudus online
top of page

KU BARO QURAANKA ONLINE

ABOUT QUDUS ONLINE

QUDUS ONLINE waa dugsi quran online ah oo xaruntiisu tahay magaalada Hargeisa lagana diiwaangaliyay wasaarada diinta iyo awqaafta horaantii sanadkii 2014.

Dugsigu waxa loo aasaasay in uu bixiyo waxbarasho islaamiya isagoo ka dhisaya qaybaha kala duwan ee diinta, ardayda iyo qoysaska soomaliyeed ee ku nool qurbaha.

iyada oo laga bilaabayo barashada higaada oo ah akhrinta iyo kicinta quraanka kariimka ah, barashada quraanka , xifdintiisa , tilaawadiisa (Akhriska Quraanka) hab tajwiid ah iyo kor u qaadista wacyiga diimeed ee ardayda iyadoo la barayo asaasiyaadka diinta iyo macnaha iyo fariinta quraanka kariimka ah.

Habka waxbarashada ee dugsiga Qudus online

Waxbarashadu dugsigu waxay ku baxdaa hab online oo toos ah iyadoo la isticmaalayo barnaamijyada kala ah:

  1. Skype

  2. Google meet

  3. Zoom

Arday kasta ama qoys kasta waxay heli doonaan xiisado gaar ah oo ay u dhigayaan macallimiin rag iyo dumar leh oo u gaar ah, iyo waqti ku filan.

Manhajka Dugsiga

Dugsiga Qudus online Waxa uu raacaa manhaj casriya oo loogu talo galay waxbarashada online-ka manhajka oo ka kooban:

  1. Koorsada higaada ee ardayda lagu baro akhriska iyo qorista 

  2. Nidaam fudud oo casri ah oo quraanka loo baranayo oo leh heerar kala duwan

  3. Barnaamij islamiya (islamic studies) oo tarbiya ah oo leh siddeed marxaladood kaas oo loogu talo galay ardayda da’doodu ka yartahay 17 jir.

  4. Barnaamij islaamiya (islamic studies ) oo isna leh marxalado kaas oo loogu talo galay dadka waawayn.

Si guud dugsiga manhajkiisa iyo nidaamkiisa waxbrasho waxa uu ku salaysanyahay waxbarashada caruurta, qoysaska iyo waxbarashada dadka waawayn

Vision ka iyo Mission-ka Dugsiga

Aragtida Dugsigu waa in aanu isku xidhno bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool iyo diintooda suuban, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta wacyigooda diimeed, barashada Qur'aanka, fahankiisa iyo xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qoraalka (higaada carabiga).”

WHY JOIN QUDUS ONLINE?

baro quraan ka waqtiga aad jaaniska hayso

FLEXIBLE TIMING
 Dooro maalmaha iyo waqtiga kugu haboon 

Macalin quraan online ah dugsi

EXPERT TUTORS
Macalimiin khibrad leh oo lasoo xulay ayaa wax ku baraya 

Arday online quraan loogu dhigayo

ONE TO ONE CLASS
Halkii qoys hal macalin
ayaa u dhigaya kaligood

macalimad quran online ah female quran somali teacher

EXPERT FEMALE TUTORS
Macalimado Dumar ah oo lasoo xulay 

Higaada barashada online

CLASS MONITORING
Waxaad isticmali kartaa
Laptop,tablet ama Mobile 

Somali online Quran academy

PROGRESS REPORT
Waxad helaysa Qiimayn iyo warbixin joogto ah 

whatsapp quran online somali
bottom of page