Dugsiga QUDUS ONLINE iyo macalimiintiisu waxay ardayga ka caawinayaan barashada Qur'aanka Kariimka ah, xifdigiisa, iyo tilaawadiisa, iyadoo si weyn looga saxayo tajweedkiisa iyo axkaamta Qur'aanka ee kala duwan. Dugsigu wuxuu adeegsadaa nidaam iyo hab casri ah oo ardayda dugsiga — oo isugu jira carruur iyo dad waaweynba — u sahlaya inay Qur'aanka si fudud u bartaan.
Qaybaha Quraanka waxay u kala baxaan sidan:
-
Barashada xifdiga Qur'aanka oo tajweed ah.
-
Barashada Tilaawada iyo akhriska Qur'aanka oo tajwiid ah.
-
Barashada tajweedka Qur'aanka.
-
Tasxiixa Qur'aanka iyo ijaazada.
-
Tafsiirka iyo fahanka Qur'aanka.
Xifdiga Quraanka
Marka dugsigu hubiyo in akhriska ardayga uu gaaray heerka loo baahan yahay, Dugsiga QUDUS ONLINE waxa uu ardayda baranaysa Qur'aanka u diyaariyaa qaybta xifdiga. Waxaa loo dejiyay nidaam iyo manhaj casri ah oo ardayga u sahlaya inuu Qur'aanka ku xafido si fudud, isagoo xoogga saaraya horumarka ardayga, saxnaanta tajwiidkiisa, iyo axkaamtiisa, sidoo kalena dib u eegis joogto ah ku sameeya waxa uu soo bartay si labada cashar isula jaan qaadaan. Macalimiintu waxay ardayga u sameeyaan qorshe xafid oo marxalad kasta ku salaysan.
Tajweedka Quraanka
Koorsooyinka barashada tajweedka Qur'aanku waxay ardayga baranaya qaybaha xifdiga iyo akhriskaba ku dhex baraan tajwiidka iyo axkaamtiisa, isagoo ardaygu ku dabaqayo casharka uu markaas dhiganayo. Koorsooyinkan waa kuwa dheeri ah oo ardaygu ku yeelanayo aqoon dheeri ah oo nadari ah "si guud" ee tajwiidka.
Tasxiixa Quraanka
Barnaamijkan waxa loogu talagalay ardayda aan dugsiga hore uga dhigan balse hore u soo dhammeeyay Qur'aanka, iyagoo doonaya in laaxinka iyo dhamaan qaladaadka laga saxo.
Tafsiirka iyo Fahanka Qur'aanka
Tafsiirka Qur'aanka ama barashada macnaha Qur'aanka waa qaybo iyo barnaamijyo casriyeysan oo fudud loo diyaariyay, si ardaygu u barto macnaha iyo fariinta Qur'aanku xambaarsan yahay, tafsiirka quraankuna u yeesho macno weyn noloshiisa. Waxa uu isugu jiraa qaybo loogu talagalay dadka waaweyn iyo nidaam loogu talagalay carruurta yar yar.
-
Si guud, arday kasta waxa la siinayaa jadwal waxbarasho iyo qorshe ku salaysan maalmaha waxbarashadiisa iyo barnaamijyadiisa waxbarasho ee toddobaadlaha ah. Marka uu ardaygu dhameeyo marxalad iyo koorso ka mid ah barnaamijyadaa kor ku xususan, waxa la siinayaa shahaado iyo cadayn muujinaysa inuu dhameeyay iyo dadaalkiisa.