- 01
Waa dugsi ama madrasad online ah oo lagu barto higaadda Carabiga, xifdiga Quraanka, akhriska Quraanka, tajwiidka, iyo asaasiyaadka diinta. Xarunteedu waa Hargeysa, waxaana la aasaasay horaantii sanadka 2014. Dugsigu wuxuu ka diiwaangashan yahay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
- 02
Xarunta guud ee dugsigu waxay ku taallaa Hargeysa.
- 03
Dhamaan waxbarashada dugsigu waa mid online ah. Ardaydu waxay casharrada ku qaataan hab maqal iyo muuqaal ah, iyagoo isticmaalaya barnaamijyada ay ka mid yihiin Microsoft Teams, Zoom, iyo Telegram.
- 04
Dugsiga Qudus Online wuxuu bixiyaa laba qaybood oo waxbarasho:
Qaybta waxbarashada dadka waaweyn.
Qaybta waxbarashada carruurta iyo qoysaska.
- 05
Waxbarashada dugsigu waa "one-on-one". Hal arday ama hal qoys waxa wax u dhigaya hal macalin oo siiya waqti u gaar ah.
- 06
Waxay ku xiran tahay qaybta uu ardaygu ama waalidku doorto:
Qaybta Waqtiga Furan: Macalinka ayaa wacaya ardayga wakhtiga ku qoran jadwalkiisa. Casharku wuu sii soconayaa ilaa uu ardaygu dhammaysto hawlaha maalinta loo qorsheeyay, taas oo ku xiran fahamkiisa. Mararka qaar wakhtigu wuu dheeraan karaa, marna wuu gaabnaan karaa.
Qaybta Waqtiga Xaddidan: Haddii ardaygu ama waalidku doortaan qaybtan, ardaygu wuxuu helayaa oo keliya wakhtiga loogu talo galay oo ah 30 daqiiqo, 60 daqiiqo, ama ka badan. Wakhtiga casharku ku qoran yahay nidaamka (system-ka) ayuu ku dhammaanayaa, mana badsan karo mana yaraan karo.
- 07
Dugsiga Qudus Online wuxuu leeyahay nidaam iyo maamul u gaar ah oo ka kooban qaybahaan:
Maamulka guud ee dugsiga.
Qaybta diiwaangelinta iyo qiimaynta ardayda cusub.
Maamulka waxbarashada guud, iyo arrimaha ardayda iyo macalimiinta.
Qaybta manhajka iyo imtixaanaadka.
Qaybta maaliyadda. Qaybahaas kala duwan ayaa isku duuba oo haga waxbarashada dugsiga.
- 08
Macalimiintu waxay soo gudbiyaan warbixinno maalinle ah iyo kuwo bille ah. Sidoo kale, waalidka waxaa lala wadaagaa warbixinno joogto ah. Ardayda u baahan dabagal gaar ah bil kasta ayaa la siiyaa warbixin, halka kuwa caadiga ah la siiyo warbixin saddexdii biloodba mar.
- 09
Imtixaanaadka dugsiga wuxuu u qaybsamaa saddex qaybood:
Imtixaanaad la qaado marka uu ardaygu dhammaysto koorso ama barnaamij cayiman.
Imtixaanaadka labada term, oo ah lixdii biloodba mar.
Imtixaanaadka tijaabada ah ee macalimiintu ka qaadaan ardayda. Dhamaan imtixaanaadkan waxaa looga dan leeyahay kor u qaadista tayada waxbarashada.
- 10
Waxaan bixinnaa shahaadooyin la aqoonsan yahay oo leh tixraac, ID, iyo QR code. Shahaadooyinku waxay iskugu jiraan:
Shahaadada dhammaystirka qaybaha dugsiga, sida higaadda.
Shahaadada ama ijaazada Quraanka, oo ah qaybta xifdiga ama akhriska.
Shahaadada dhammaystirka qaybta asaasiyaadka diinta.
- 11
Dugsigu wuxuu u shaqeeyaa dhamaan umadda Soomaaliyeed ee joogta wadamada qurbaha, kuwaas oo isugu jira dad waaweyn iyo carruurba oo aan haysan goobo ay ku bartaan Quraanka ama masaajidda, ama ay wakhtigu ku yahay ciriiri, islamarkaana danaynaya inay hab online ah wax ku bartaan iyagoo guryahooda ama goobahooda jooga.
- 12
Macalimiintu waxay joogaan Hargeysa iyo Masar.
- 13
Haa. Waxaa diyaar ah macalimiin rag iyo dumar ah oo xirfadoodu sarayso.
- 14
Haa. Macalimiinta dugsiga waxaa shardi u ah inay ku hadlaan afka Soomaaliga, Carabiga, iyo Ingiriisiga si ay wax ugu dhigi karaan ardayda.
- 15
Macalimiinta Dugsiga Qudus Online waxay haystaan khibrad sare. Waxaa shardi ah in macalinku haysto ugu yaraan 5 sano oo khibrad ah ka hor inta uusan bilaabin shaqada. Intaas kadib, dugsigu wuxuu siiyaa tababaro iyo diyaarin joogto ah.
- 16
Maya. Dugsiga Qudus Online waxaa wax lagu bartaa lacag bille ah.
- 17
Qiimaha bisha wuxuu ka bilaabmaa $30 ardaygii. Haddii ardaygu uu doorto wakhti dheeraad ah, qiimuhu wuu ka duwan yahay. Warbixin faahfaahsan waxaad ka heli kartaa halkaan: ().
- 18
Maya. Diiwaangelinta dugsiga lacag la'aan ayaa la isku diiwaangeliyaa. Ardayga cusub wuxuu haystaa 3 maalmood oo tijaabo ah, ka bacdina wuxuu bixinayaa lacagta bisha uu wax ka dhigtay.
- 19
Haa. Dugsigu wuxuu u sameeyaa qiimo dhimis qoysaska wata 3 arday iyo wixii ka badan. Mararka qaar waxaa laga yaabaa in arday lacagta laga dhaafo haddii ayna awoodin.
- 20
Lacagta waxaa loo bixiyaa laba hab:
In laga bixiyo nidaamka (system-ka) dugsiga ee ardayga, iyadoo la adeegsanayo Mastercard, Visa Card, ama American Express.
In la isticmaalo adeegyada xawilaadaha ee mobile-ka, ama si toos ah loo aado, sida PaySii, Dahabshiil, WorldRemit, Tolkremit, Bananpay, Taaj, iyo Transfer Galaxy. Marka dugsigu helo lacagta, waxaad heli doontaa fariin xaqiijinaysa in lacagtii ay soo gaartay.
- 21
Waxbarashada ugu muhiimsan ee dugsiga waa:
Barashada higaadda Quraanka, si uu ardaygu keligiis u akhrisan karo Quraanka.
Barashada Quraanka oo u kala baxa saddex qaybood:
Barashada xifdiga Quraanka hab tajwiid leh.
Barashada akhriska Quraanka ama musxafka oo tajwiid leh.
Barashada Quraanka iyo tafsiirka oo wada socda.
Barashada asaasiyaadka diinta oo u kala baxa laba qaybood:
Barnaamijka barashada asaasiyaadka diinta ee carruurta.
Barnaamijka barashada asaasiyaadka diinta ee dadka waaweyn. Sidoo kale, waxaa jira koorsooyin gaar ah oo dugsigu bixiyo:
Barashada luqadda Carabiga oo hab casri ah, ka kooban 5 heer (level).
Barnaamijka luqadda Soomaaliga oo ka kooban 2 heer (level), looguna talo galay carruurta iyo dadka waaweyn.
Koorso gaar ah oo lagu barto daahuradka iyo salaadda saxda ah.
- 22
Maadaama aan ku shaqaynno nidaam, marka uu ardaygu bilaabo koorso ama barnaamij waxbarasho, maamulka, macalinka, waalidka, iyo ardaygaba waxay si buuxda ula soconayaan heerka waxbarasho iyo warbixinadiisa.
- 23
Maadaama aan ku shaqaynno nidaam, marka uu ardaygu bilaabo koorso ama barnaamij waxbarasho, maamulka, macalinka, waalidka, iyo ardaygaba waxay si buuxda ula soconayaan heerka waxbarasho iyo warbixinadiisa.
- 24
Mar
ka koobaad iska diiwaangeli halkan oo buuxi foomkan. Intaas kadib waxaa kula soo xidhiidhaya qaybta diiwaangelinta dugsiga, iyagoo kuu buuxinaya foomka diiwaangelinta ee rasmiga ah oo ku gudbinaya qaybta qiimaynta waxbarashada si loo hubiyo heerkaaga waxbarasho, halkaad ka bilaabayso, iyo macalinkii ku dhigayay.

_edited.png)