0000 Barashada Tarbiyada Caruurta Online | Courses - Qudus online
top of page

BARASHADA DIINTA

Dugsiga iyo Madarasada Qudus Online waxa uu u diyaariyay ardayda iyo bulshada soomaliyeed ee qurbaha ku dhaqan manhaj tarbiyo islaami ah oo si weyn loo habeeyey, kaas oo isugu jira heerar bilow, dhexdhexaad, iyo dhammeystir ah. Manhajkan waxaa loogu talagalay in kor loogu qaado wacyiga iyo aqoonta diimeed ee ardayga. Waxaa uu ka kooban yahay laba qaybood:

  1. Qaybta 1aad: waxaa loogu talagalay ardayda iyo ubadka Soomaaliyeed ee da'doodu ka yar tahay 17 sano, si loogu baro diintooda isla markaana loogu tarbiyeeyo akhlaaqda Islaamka.

  2. Qaybta 2aad: waxaa loogu talagalay dadka waaweyn, si loogu kobciyo asaasiyaadka iyo aqoontooda diimeed.

Kutubta quraanka online

Qaybta Caruurta

correct-your-kids-recitation-min (1)_edi

waxa loogu talo galay Manhajka tarbiyada caruurta ee barashada diinta iyo fahanka asaaska diinta.

Qaybta Dadka waawayn

Online-quran-min (1)_edited.jpg

waxaa loogu talagalay dadka waaweyn, si loogu kobciyo asaasiyaadka iyo aqoontooda diimeed

Goorma ayaa ardayga loo dhigayaa barnaamijkan?

Duruustan waxa lagu dhinac dhigaa xiisadaha barashada Qur'aanka iyo maalmaha qaarkood toddobaadkii.

Barnaamijkan tarbiyada ahi muxuu ku saabsan yahay ama ka kooban yahay?

Manhajkan ama barnaamijkan waxa uu ka kooban yahay oo ardayga lagu barayaa qaybaha kala duwan ee diinta sida barashada caqiidada, barashada salaada iyo cibaadada (fiqiga), barashada adaabta iyo akhlaaqda, barashada xadiiska Nabiga, barashada ducooyinka, barashada siirada Nabiga, iyo in ka badan.

Sidee ardayga loo barayaa?

Barnaamijkan waxa uu u habaysan yahay hab heerar iyo marxalado kala sareeya ah oo koorsooyin ka kooban qaybaha kor ku xusan. Marka uu ardaygu dhammeeyo koorsada mid ah, waxa uu u gudbayaa ta xigta.

Manhajka Ardayda Da'doodu Ka Yar Tahay 17:

Heerarka ama marxaladaha manhajkan tarbiyada ah waxay u dhigan yihiin sida soo socota:

whatsapp quran online somali
bottom of page