Xaruunta Barashada Quraanka iyo culuumtiisa ee Online ka
KU SAABSAN - QUDUS ONLINE
QUDUS ONLINE: waa dugsi quran online ah oo xaruntiisa koobaad tahay magaalada Hargeisa lagana diiwaangaliyay wasaarada diinta iyo awqaafta horaantii sanadkii 2014. isla markaana ka shaqeeya Europe, USA , Canada , AUStaralia, new zeland.
Dugsiga waxa loo aasaasay in uu bixiyo waxbarashada:
-
Waxbarashada Caruurta iyo qoysaska
-
Waxbarashada dadka waawayn
Taas oo ardayda laga dhisayo qaybaha kala duwan ee Barashada diinta, ardayda iyo qoysaska soomaliyeed ee ku nool qurbaha.
iyada oo laga bilaabayo barashada:
-
higaada oo ah akhrinta iyo kicinta quraanka kariimka ah.
-
barashada quraanka , xifdintiisa , tilaawadiisa (Akhriska Quraanka) hab tajwiid ah
-
kor u qaadista wacyiga diimeed ee ardayda iyadoo la barayo asaasiyaadka diinta, macnaha iyo fariinta quraanka kariimka ah.
Manhajka Dugsiga
Dugsiga Qudus online Waxa uu raacaa manhaj casriya oo loogu talo galay waxbarashada online-ka ah manhajka oo ka kooban:
-
Koorsada higaada ee ardayda lagu baro akhriska iyo qorista una ah fure quraanka
-
Nidaam fudud oo casri ah oo quraanka loo baranayo oo leh heerar kala duwan
-
Barnaamij islamiya (islamic studies) oo tarbiya ah oo leh 8 marxaladood kaas oo loogu talo galay ardayda da’doodu ka yartahay 19 jir.
-
Barnaamij islaamiya (islamic studies ) oo isna leh 3 marxaladood kaas oo loogu talo galay dadka waawayn.
Si guud dugsiga manhajkiisa iyo nidaamkiisa waxbrasho waxa uu ku salaysanyahay waxbarashada caruurta, qoysaska iyo waxbarashada dadka waawayn oo loo dhigayo hab casri ah iyo maqal iyo muuqaal
Habka waxbarashada ee dugsiga Qudus online.
Waxbarashadu dugsigu waxay ku baxdaa hab online oo toos ah iyadoo la isticmaalayo barnaamijyada kala ah:
-
microsoft teams
-
Google meet
-
Zoom
Arday kasta ama qoys kasta waxay heli doonaan:
xiisado u gaar ah iyaga oo ay u dhigayaan macallimiin rag iyo dumarba leh , iyo waqti ku filan.
Vision ka iyo Mission-ka Dugsiga
Vision
Aragtida Dugsigu waa in aanu isku xidhno bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool iyo diintooda suuban, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta wacyigooda diimeed, barashada Qur'aanka, fahankiisa iyo xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qoraalka (higaada carabiga).”
Mission
Barista ardayda akhriska iyo qorista Qur'aanka, xifdintiisa, tajweedkiisa iyo fahankiisa sidoo kale barashada iyo fahanka aqoonta asaasiga ah ee Islaamka
WHY JOIN QUDUS ONLINE?

FLEXIBLE TIMING
Dooro maalmaha iyo waqtiga kugu haboon

EXPERT TUTORS
Macalimiin khibrad leh oo lasoo xulay ayaa wax ku baraya

ONE TO ONE CLASS
Halkii qoys hal macalin
ayaa u dhigaya kaligood

EXPERT FEMALE TUTORS
Macalimado Dumar ah oo lasoo xulay

CLASS MONITORING
Waxaad isticmali kartaa
Laptop,tablet ama Mobile


_edited.png)