Barashada QURAANKA KARIIMKA AH
Ku baro oo xifdi kalaamka Allah adiga iyo ubadkaaguba idinkoo guriga jooga hab maqal iyo muuqaal ah, wakhtiga iyo maalmaha aad jaaniska leedihiin.
Qudus Online
Barnaamijyada Quraanka
Qaybaha Quraanka waxay u kala baxaan dhawr barnaamij oo si gaar ah loogu talagalay in ardaygu si buuxda u fahmo, u xafido, ugana faa'iidaysto Quraanka.
Xifdiga Quraanka
Marka la xaqiijiyo in akhriska ardaygu gaadhay heerkii loo baahnaa, Dugsiga QUDUS ONLINE waxa uu ardayga u gudbiyaa qaybta xifdiga Qur’aanka. Qaybtan waxa lagu saleeyay manhaj casri ah oo ardayga ka caawinaya inuu si fudud u xafido Qur’aanka, iyadoo si gaar ah looga warhaynayo horumarkiisa, saxnaanta tajwiidkiisa, iyo fahamkiisa axkaamta. Dib-u-eegis joogto ah ayaa la sameeyaa.
Tajweedka Quraanka
Koorsooyinka barashada tajweedka Qur'aanku waxay ardayga baranaya qaybaha xifdiga iyo akhriskaba ku dhex baraan tajwiidka iyo axkaamtiisa, isagoo ardaygu ku dabaqayo casharka uu markaas dhiganayo. Koorsooyinkan waa kuwa dheeri ah oo ardaygu ku yeelanayo aqoon dheeri ah oo nadari ah "si guud" ee tajwiidka.
Tasxiixa Quraanka
Barnaamijkan waxa loogu talagalay ardayda aan dugsiga hore uga dhigan balse hore u soo dhammeeyay Qur'aanka, iyagoo doonaya in laaxinka iyo dhamaan qaladaadka laga saxo oo akhriskooda la tayeeyo.
Tafsiirka iyo Fahanka
Tafsiirka Qur'aanka ama barashada macnaha Qur'aanku waa qaybo iyo barnaamijyo casriyeysan oo si fudud loo diyaariyay, si ardaygu u barto macnaha iyo fariinta Qur'aanku xambaarsan yahay, tafsiirka quraankuna u yeesho macno weyn noloshiisa. Waxa uu isugu jiraa qaybo loogu talagalay dadka waaweyn iyo nidaam loogu talagalay carruurta yar yar.
Si guud, arday kasta waxa la siinayaa jadwal waxbarasho iyo qorshe ku salaysan maalmaha waxbarashadiisa iyo barnaamijyadiisa waxbarasho ee toddobaadlaha ah. Marka uu ardaygu dhameeyo marxalad iyo koorso ka mid ah barnaamijyadaa kor ku xusan, waxa la siinayaa shahaado iyo cadayn muujinaysa inuu dhameeyay iyo dadaalkiisa.
Bilaw Xifdiga Quraanka Maanta
Ku biir boqolaal arday oo si fudud ugu xafiday quraanka kariimka ah Dugsiga Qudus Online.
BILAW MAANTA