Sidee wax looga bartaa Dugsiga Qudus online?
Habka online wax looga bartaa dugsiga qudus online. Saddex talaabo oo fudud ayaad ku bilaabi kartaa barashada quraanka iyo diinta.
Isdiiwaangelinta
Buuxi Foomka diwaangalinta Ama toos noola soo xidhiidh Whatsapp.
Xaqiijinta & Qiimaynta
Waxa kula soo xidhiidhaya Qaybta Diwaangalinta iyo Qiimaynta ardayda cusub iyagoo kuu dhamaystiraya diwaangalinta isla markana kaga jawaabaya dhamaan hadii aad suaalo qabto iyo talo bixin waxbarasho.
Jidwalka & Casharada
Marka la qiimeeyo ardayga, waxaa loo diyaariyaa jadwalka waxbarashada, macalinka u dhigaya, iyo waqtiga uu bilaabayo casharrada.
Maxaa Looga baahanyahay ardayga?
- Internet tayo leh
- Computer, Laptop ama Mobile (Dadka waaweyn)
- Deegaan xasilloon oo aan buuq lahayn
- App: Microsoft Teams ama Google Meet Halkan kala soo dag Teams →
Sidee ayaan casharrada ula soconayaa oo u arkayaa?
Casharrada ay dhigayaan macalimiintu ardaygu waxa uu ka arkayaa shaashada si live ah, si toos isagoo ula soconaya ayuu macalinku isticmalayaa E-board isagoo ula soconaya hab maqal iyo muuqaal ah sidoo kale dhamaan casharada la dhigayo oo buugaag dabacan iyo kuwa soft ah .
Fiira gaar ah
-
Camarada dadka waaweyn: Ikhtiyaar ayay u furan tahay, qasab ma aha.
-
Qaybta carruurta: Waa daruuri in la furo camarada xiliga casharka.
Diyaar ma u tahay in aad ku soo biirto?
Bilaw maanta safarkaaga waxbarasho adiga iyo qoyskaaga. Isdiiwaangali oo dooro xilliga kugu habboon.
BILAW MAANTA