0000
top of page
  • Writer's picturemacalin quran online

Aadaabta laga rabo qofka Axaadiista akhrinaya


Aadaabta Akhrinta Axaadiista

Bismillah

Aaadaabta laga doonayo qofka Sheegaya Xadiiska Nabiga scw ee ama dadka baraya

Sidaan ognahayba in lagu mashquulo oo laga shaqeeyo axaadiista Nabiga scw waxay kamid tahay camalada kuwan ugu fadhliga badan ee Ilaahayna swt loogu dhawaan karo. Sidaa daraadeed qofkan doonaya inuu sii fidiyo axadiista oo uu dadka gaadhsiiyo waxaa laga doonayaa inuu yahay mid kulansaday akhlaaqaha wanaagsan sidoo kale inuu yahay mid u ah tusaale dhab ah waxan uu dadka barayo. Waxaana la doonayaa inuu naftiisa kaga bilaabo oo u ku dabaqo xadiiskan uu dadka barayo.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga doonayo muxadithka:

  1. Inuu Niyad dhab ah la yimaado oo ikhlaasna ku jiro. Sidoo kale qalbigiisana ka saaro aduunyo darteed inuu waxan u samaynayo amaba si uu dadka dhexdoda uga noqdo qof caan ah.

  2. Hamigiisa ugu weyn inay tahay inuu fidiyo xadiiska , dadkana gaadhsiiyo xadiiska Nabiga scw isagoo Ilaahay swt ka rajaynaya ajar .

  3. Haddii la weydiiyo xadiis uusan haynin ama uusan garanayn , waa inuu usii haggo meel kale ama ruux kale oo uu ogyahay inuu hayyo.

  4. Inuu sameeyo majlis uu ku akhriyo axadiista , haddii uu ehel uyahay arintaas.

Maxaa la jeclaystay inuu sameeyo markuu Xadiiska akhrinayo:

  • Inuu isa soo daahiriyo oo uu isa soo idgooneeyo, isagoo weyneynaya Nabiga scw.

  • inuu ku furfurto mahad naqa Ilaahay iyo Salliga Nabiga scw.

  • Inuu kusoo gabagabeeyo qisooyin sugan si ay quluubta dadku ugu raaxaysato.

Da’dee lagarabaa inuu yahay qofka Axadiista akhriya?

Culimadu way isku khilaafeen .


Qaarbaa yidhi 50 sano, qaarna 40 qaarna waxyaaba kale.

Laakiinse sida saxda ah waxaa weeye inuusan da’ gooni ah ku xidhnayn, ee markuu qofkani diyaar uyahay akhrinta axadiista waa uu bari karaa dadka.

Kutubta laga qoray

  • Aljaamicul akhlaaqi Raawi , wa Aadaabu Saamicà <<<<Imaam Khadib Al Baqhdaadi.

  • Jaamicu bayaanil cilm wa fadhlihi, wamaa yanbaqhii fii riwaayatihi wa xamlihià<<< Ibnu Cabdil Barr

Wallahu tacaalaa Aclaa wa axkam

  • Abdulahi Mahad

Recent Posts

See All

Комментарии


whatsapp quran online somali
bottom of page