top of page

​Faa'idada Salaada Subax Oo Masaajidka Lagu Tukado

  • Writer: macalin quran online
    macalin quran online
  • Sep 22, 2021
  • 1 min read

Fadliga Salaada subax

1-Qofka Salaada Subax Jamaaco Ku Tukada Waxaa Loo Qori Ajirka Qof Habeenkii Oo Dhan Cibaado U Taagnaa. 2-Qofka Salaada Subax Jamaaco Ku Tukada Wuxuu Ku Jiraa Dimada iyo Damaanada Alaah.

3-Qofka Salaada Subax Jamaaco Ku Tukada Waxaa ilaalin Malaa,igta Alaah.

4-Qofka Salaada Subax Jamaaco Ku Tukada Malaa,igtu Waxay Alaah U Gudbin Warbixin Fiican .

5-Qofka Salaada Subax Jamaaco Ku Tukada Oo Waliba Sii Fadhiya Meeshuu Ku Tukaday ilaa Qoraxdu Ka Soo Baxdo Waxaa Loo Qori Ajirka Qof Xajiyay Oo Cumraystay.

6-Alaah Wuxuu Balan Ku Qaaday Qofka Tukada Salaada Subax iyo Casarka inuu Janada Galiyo.

7-Qofka Salasda Subax Tukada Waxaa Loo Qori inuu Bari Ka Yahay Nifaaq, Maxaa Jira Munaafaqu Salaada Subax Ma Yimaado.

8-Qofka Salaada Subax jJmaaco Ku Tukada Alaah Wuxuu Siin Maalinta Qiyaamo Nuur Dhamaystiran.

9-Labada Rak Cadood Ee Sunada Ah Ee Salaada Subax Ka Horeeya Waxay Ka Fadli Badan Yihiiin Aduunka iyo Waxa Ku Dhax Jira Hadaba Maxaad U Maleen Ajirka Salaada Subax Ee Waajibka Ah.

10-Qofka Salaada Subax iyo Salaada Casar Jamaaco Ku Tukada Alaah Wuxuu Balan Ku Qaaday inuusan Nartagalin.

________________

  • Abdulahi Mahad

Comments


whatsapp quran online somali
  • Facebook - Black Circle
  • Tumblr - Black Circle
  • X
  • Google+ - Black Circle
  • YouTube - Black Circle
  • Instagram - Black Circle

Copyright © 2014-2025 QUDUSONLINE.ORG - All Rights Reserved

bottom of page