0000 Cashar ku Saabsan Nolosha!
top of page
  • Writer's picturemacalin quran online

Cashar ku Saabsan Nolosha!


Horumarinta Noloshaada

Nin baa jirey lahaa afar wiil. Wuxuu doonay in wiilashiisu ay wax-bartaan oo aysan noqon kuwo si fudud oo degdeg ah wax u qiimeeya. Markaasuu mid walba baaritaan u diray, si uu u aado oo u soo fiiriyo geed Canbaruud (Pear) ah oo meel aad uga durugsan ku yiillay. Wiilkii ugu horreeyay wuxuu aaday xilli Jiilaal ah, kan labaadna Gu’, kan saddexaadna Xagaa, iyo wiilka u yar oo isna aaday xilli Dayr ah.


Markii ay wada tageen oo ay soo noqdeen, wuu isugu yeeray, si ay ugu sharraxaan wixii ay soo arkeen. Wiilkii ugu horreeyey wuxuu yiri: “Geedku wuxuu ahaa foolxumo, foorara oo qallooca”.


Wiilkii labaad ayaa yiri: “Maya e [geedka] waxaa lagu daboolay burooyin magool ah oo yididiilo miro ka buuxaan”. Wiilkii saddexaad wuu diiday; wuxuu na yiri: “waxaa ku rarnaa ubaxyo carfaya oo aad u macaan, aad na u qurux badan, waxay ahayd waxa ugu quruxda badan ee uu abid arko”. Wiilkii ugu dambeeyey na wuu khilaafay dhammaantood; isagu wuxuu sheegay geedku in uu dhugcay oo uu miro daadiyey, oo nolol iyo dhammaysnimo ka buuxdo.


Odaygii ayaa dabadeed wiilashiisa u sharraxay in ay wada saxan-yihiin, maxaa yeelay mid welibaa [geedka] wuu arkay; se, keliya hal xilli oo nolosha geedka ah ayuu arkay. Wuxuu u sheegay in geed iyo qof toonna ayan hal xilli ku qiimayn; iyo in nuxurka cidda ay yihiin, raaxada, farxadda, iyo jacaylka arrimahaa ka yimaada lagu cabbiri karo oo keliya dhamaadka nolosha ?marka xilliyada oo idil idlaadaan.

Hadaad quusato markay tahay Jiilaal, waxaad tabi doontaa balanqaadka Gugaaga, quruxda Xagaaga iyo dhammaystirka Dayrtaada. Ha u oggolaan in xanuunka hal xilli uu burburiyo farxadda inta kale oo dhan.


Nolosha ha ku qiimaynina hal xilli oo adag. Ku adkaysta jahawareerka adag waqtiyada fiicani waa hubanti in ay yimaadaan goor dambe.



W/T: Madasha Tarjumaadda HOOBAAN Tixraac: 100 Moral Stories

Recent Posts

See All
whatsapp quran online somali
bottom of page